Madaxweyne Shariif oo soo dhaweeyay barlamanka cusub
Muqdisho Aug 29,2012(SDN)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya xilka loo doortay.
Shariif Sheekh Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeenba uu ugu hanbalyeeynayo xilka cusub ee ay uqabteen umadda Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Professar Jawaari ayaa wuxuu sheegay inuu rajeynayo in Baaarlamaankani uu wax badan ka qabto howsha qaran ee loo igmaday.
Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo Guddoomiyihii ugu horeeyay ee Baarlamaanka oo aan aheyn KMG,isaga oo sheegay inuu rajeynayo in Baarlamaankan uu noqdo mid horumar iyo isbedel u keena shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Generaal Muuse Xasan oo ahaa Guddoomiyihii KMG ahaa ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay qaabkii ay u dhacday doorashada guddoonka Baarlamaanka.
Wuxuu sheegay in howshii ay soo qabteen ee doorashada ay aheyd mid adag islamarkaana ay arintaasi uga gudbeen dadaal dheeri ah oo ay iska kaashadeen Gudigii doorashada.
Hadalkiisa isaga oo sii wata ayuu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay in xilka Guddoonka Baarlamaanka loo dhiibo nin aqoon leh.
Xarunta Iskuul Buluuziyo ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacday doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale ku xigeenadiisa waxaana taasi ay noqotay mid taariiq ku ah shacabka Soomaaliyeed.