QM iyo Kenya oo soo dhaweeyay Guddoonka barlamanka Somaliya
Muqdisho Aug 29,2012(SDN)- Dr Agustin Mahiga oo ah u qaabilsanaha Qaramada midoobay arrimaha Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweeyay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya Mahiiga ayaa ku tilmaamay doorashada Pro. Maxamed Cismaan Jawaari oo shalay loo doortay afhayeenka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya arin wanaagsan.
Mahiga ayaa yiri tani waxay muujinaysaa guusha laga gaaray qorshihii hab raaca nabada Soomaaliya mar uu ka hadlayey Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayuu Mahiga sheegay in Jawaari uu yahay Profesar si weyn loo wada garanayo uuna qibrad iyo aqoonba u leeyahay hawsha loo xilsaaray.
Mahiiga ayaa rajo weyn ka muujiyay in doorashada madaxtinimada ay 10 maalmood gudahood ku dhici doonto si lamid tan gudoomiyaha baarlamaanka oo u dhacday sidii loogu tala galay.
Dhanka kale Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin Dawaare oo ka hadlay doorashada Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa isna sheegay in doorashada Professar. Maxamed Cismaan Jawaari ay muujinayso bislaansho ay Soomaalidu gaartay, wuxuuna rajo fiican ka muujiyay in Prof. Jawaari uu wax ka qaban doono siyaasada murugsan ee dalka Soomaaliya, wuxuuna intaa ku daray in baarlamaanka Kenya ay taageero dhan kasta ah u fidin doonaan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.