42-ka tirsanaa Al Shabaab oo lagu dilay Jubbada hoose

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Nairobi Aug 30,2012(SDN)- Ciidamada Kenya ee Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen 42 dagaalyahanno ka tirsan Al shabab tiro intaasi ka badan ay dhaawaceen kaddib dagaalkii ka dhacay Degaanka Cago-libaax oo ku dhow Kismayo.

Afhayeenka Ciidamada Kenyaee qeybta ka ah AMISOM Emmanuel Chirchir ayaa tilmaamay in qaar ka tirsan Al Shabaab  ay dhaawac ahaan uga baxsadeen intii u socday dagaalka,waxaana uu xusay in meydadka Al Shabaab ay ka carareen uu weli yaalaan Deegaanka Cago-libaax.

Emmanuel Chirchir ayaa hoosta ka xariiqay in 4 Gawaarida nuuca dagaalka ah ay kala wareegeen Al Shabaab, kuwaasi oo isagu jira kuwa Booyadaha Biyaha ah iyo kuwa Dagaalka.

“Xilli ay Ciidamadeena ay kusoo dhowaanayaan magaalada Kismayo ayaa maleeshiyaadka Beesha Mariixaan waxa ay bilaabeen inay ku biiraan Al Shabab halka Beelaha kale ee dega Gobolak Jubada Hoose ay soo dhoweeyeen Ciidamada dowlada KMG ah iyo AMISOM,”sidaasi waxaa yiri Emmanuel Chirchir.

Xaaladda Deegaanka Cago-libaax oo shalay uu ka dhacay Dagaal xooggan ka dhacay, waxaa goobtaasi gacanta ku haya Ciidamada huwanta ah ee Somaliya iyo AMISOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>