Al Shabaab oo ku hanjabay sii wadisa qaraxyada iyo dagaalada

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Marka Aug 30,2012(SDN)- Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalka Sh/ hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa ka hadlay qabsashadii ciidamada Dowlada ee magaalada Marka ay ka qabsadeen Ururka Al Shabaab.

Waxa uu xusay inay soo socdeen muddo lix sano ah taasi oo sababtay in markii dambe ay la wareegeen Degmada Marka markii ay gaareena ay la kulmeen qasaaro badan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in magaalada Marka iyo halkii ay ciidamada dowlada duulaanka ka qaadeen inay isku jiraan 30 KM ,waxaana uu sheegay in dhowr bilood ay ku qaadato soo gaarista Magaalada Marka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in markii ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay gaareen Marka inay la kulmeen qaraxyo joogto ah oo u sheegay inay horay ugu sii aaseen magaalada Marka.

Dhanka kale Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Sh/ hoose Abuu Cabdalla ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay ciidamada dowladda ka qarxi doonaan deegaanadii ay qabsadeen,waxaana uu ku micneeyay arintaasi inay sii wadi doonaan qaraxyada iyo weerarada ka dhanka ah AMISOM iyo ciidamada dowlada.

Al Shabaab ayaa laga saaray Marka labo maalin ka hor ,waxaana Degmada ku sugan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM kuwaasi oo shalay Magaalada qarax lagula eegtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>