Dad walaalo ah oo lagu dilay Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Aug 30,2012(SDN)- Labo wiil oo walaalo ah ayaa fiidkii hore ee xalay lagu dilay Xaafadda Suuqa xoolaha ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay dhowaanahaanba ay kusoo badanayeen kooxaha geysta dilalka dadka gaarka ah lala beegsado.

Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in dilka ay geysteen, waxaana wiilasha walaalaha ah ee la dilay midkood uu todobaadkan ka yimid Wadanka Sucuudi Carabiya, halka kan kalena uu ahaa arday wax ka baranayay Jaamacadda Simad.

Dhalinyaro ku hubeysan bastoolado islamarkaana watay dharka Shacabka ayaa la sheegay in labada wiil ee walaalaha ah ay dilka u geysteen.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa marar badan ka dhacay dilalka noocaan ah, iyadoo dhowanahaan ay soo yaraanayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>