Jawaari oo loogu baaqay ka shaqeynta Cadaaladda

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Aug 30,2012(SDN)- Waxaa isa soo taraya hambalyada iyo soo dhaweynta loo muujinayo Guddoomiyaha Barlamanka cusub ee Soomaaliya oo dhawaan ku guuleystay  xilkaasi inuu qabto.

Qaar kamid ah waxgaradka Muqdisho ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan in xilka Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya uu qabto Professar Jawaari.

Maxamed Amiin Barwaani oo ka tirsan Waxgaradka Muqdisho ayaa wuxuu  sheegay inay rajeynayaan in isbedelka dalka uu galay uu lasii jaanqaado wanaag islamarkaana dhibaatada dalka ku jirto uu ka baxayo.

Maxamed Amiin Barwaani ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya inuu ku shaqeeyo qaab cadaalad ah islamarkaana sidoo kale baaq uu ujeedinayo dowladda imaan doonto inay ka shaqeysa sidii dalka ay ugu dhaqi laheyd cadaalad wanaagsan isaga oo intaa hadalkiisa raaciyay in dhibaatada dalka ka jirta ay tahay kaliya cadaalad daro.

Maalitii talaadada ayeey aheyd markii xubnaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Muqdisho ay ku doorteen Guddoomiye Baarlamaan iyo ku xigeenadiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>