Wararkii ugu dambeeyay dagaalo ka dhacay Jubbada hoose

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Afmadow Aug 30,2012(SDN)- Wararka ka imaanaya Gobalka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Raaskaambooni iyo sidoo kale Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kaddib markii sida la sheegay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo wadada maraya ay jidka ku kulmeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, kadibna sidaasi uu ku qarxay dagaalka.

Axmed Maxamuud Maxamed Sayid Carab oo ka tirsan Ururka Raaskaambooni ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay deegaan 40-KM ujirta Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose.

Sarkaalkani ka tirsan Ururka Raaskaambooni ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dagaaladaasi khasaaraha dhankooda kasoo gaaray uu yahay kaliya inay dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Dhanka Al-Shabaab khasaaraha ay gaarsiiyeen ayaa wuxuu ku sheegay inay ka dileen 17-dagaalyahanno islamarkaana 10 ka mid ah meydadkooda ay hayaan oo ay ku hayaan Magaalada Afmadoow ee Gobalkaasi.

Marka laga soo tago guulaha ay sheeganayaan saraakiisha Ururka Raaskaambooni ee ku aadan dagaaladaasi ayaan jirin ilo ka madaxbanaan oo xaqiijineysa khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray labada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>