Al Shabaab: Kenya diyaarad dagaal ayaan kasoo ridnay

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Kismaayo  Sep 01,2012(SDN)-Xilli dagaalo  culus uu ka socdo inta u dhaxeyso Magaalada Kismaayo iyo Degmada Afmadow ee Gobalka Jubbada Hoose ayaa waxa ay Xarakada Al-Shabaab ay sheegteen in ay Diyuurad dagaal ka soo rideen  Dowladda Kenya.

Gudoomiyaha Jubboyin ee  Al-Shabaab Sheekh Cabdi raxmaan Xudeyfe ayaa sheegay in Diyuurad Helicopter ah ka soo rideen Ciidamada Dowladda Kenya. iyadoo diyuuradaas qeyb ka aheyd dagaalada gallinkii dambe ee shalay ka dhacay  Jubbada Hoose.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliyeed ee Gobaladda Jubbooyin oo goor dhow la hadlay  Warbaahinta ayaa sheegay in uu soconayo dagaalo culus islamarkaan ay kaabiga ku hayaan Magaalada Kismaayo.

Shacabka reer Kismaayo ayaa ka barakacaya gudaha Magaalada Kismaayo iyagoo ka cabsanaya in ay dhibaato ka soo gaarta hubka la isku adeegsanayo waxaana la arkaayay Haween iyo caruur ka sii baxaya gudaha Magaalada Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>