Muqdisho Sept 02,2012(SDN)-Guddigga Doorashada Madaxweynaha Jamuuriyadda Soomaaliya ayaa kullan ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ka soo saaray Shuruudo laga doonaya qofka musharaxa ah ee u taagan qabashada xilka Madaxaweynaha Soomaaliya.
Kullankaani Guddigga 15-ka Xubnood ay yeesheen ayaa ah kii 3aad, iyagoona qodobo shuruudo ah soo saaray.
Guddigga ayaa qodobada ay soo saareen waxaa ka mid ah 1. In qofka Musharaxa ah uu bixiyo lacag dhan $10.000 oo Dollarka Mareekanka, 2. sidoo kale Sawirro Teesaro ah, 3. in uu ka badan yahay 40 sano iyo hawlo qabiirnimo uu leeyahay , 5. sido kalena uu soo gudbiyo guud ahaan CV-giisa.
Guddigga ayaaka dhawaajiyey in doorashada Madaxweynenimo ee dalka ay dhici doonto 10 September 2012, islamarkaana CV iyo Shuruudadaha ay soo buuxin karaa Musharaxiinta 6-da Bisha September.a