Kenya oo qiratay askar looga dilay Jubbooyinka

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Afmadow Sept 02,2012(SDN)-  War qoraal ah oo kasoo baxay ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaaa lagu sheegay in 5 ka mid ah ciidamada Kenya oo qeyb ka ah sida la sheegay nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya lagu dilay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolada Jubooyinka.

“Shan ka mid ah ciidankeena aya la la’yahay waxaa suura gal ah in la dilay oo dagaalka lagu dilay”  ayuu yiri Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM General Gutti.

Ciidamada Kenya ayaa dagaal xooggan kula galay gobolka Jubbada hoose dagaal yahanada AL Shabab halkaas oo la sheegay in guul daro kala kulmeen islamarkaana lagu dilay qaar ka mid ah ciidankooda.

Dagaalkaan u dhaxeeya ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida oo garab ah iyo dagaalyahannada Al Shabab ayaa ka soconayay maalmihii tagay deegaano ka tirsan gobolka Jubada hoose.

Dowladda Kenya ayaa doonayso in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ay ka saarto dhaq dhaqaaqa AL Shabab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>