Kismaayo Sept 02,2012(SDN)- Maraakiibta dagaalka Kenya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ayaa xalay duqeyn xooggan ka geystay gudaha Magaalada Kismaayo.
Duqeynta oo eheyd mid ay maraakiibta si aad ah u beegsadeen goobaha u dhaw dhaw dekadda ayan illaa iyo iminka la ogeyn qasaaraha ka dhashay.
” Duqeymaha xalay oo dhan ayaan maqlaynay, waayo Madaafiic ayaa ku dhacaysa Dekadda iyo Haraaraheeda, cabsi badan way jirtaa, dad ayaaba isaga barakacay Magaalada maalinkasta” sidaasi waxa tiri Haweenay ku sugan Magaalada Kismaayo.
AMISOM ayaa sheegatay iney iyaga ay geysteen duqeynta, ayna qasaaro xooggan u geysteen Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab
AL Shabaab ayaa ciidamo badan dhigay deegaannada ku dhaw dhaw xeebta gaar ahaan dekedda Kismaayo