AMISOM: Waan ku hareereysanahay Kismaayo
Muqdisho Sept 04,2012(SDN)- Afhayeenka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Cali Aadan Xumad oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay dagaalada ay ku doonayaan inay ku qabsadaan magaalada Kismaayo.
Wuxuu sheegay Afhayeenka in Magaalada Kismaayo ay dhowr jiho kaga hareeraysan yihiin islamarkaana qorshohooda uu yahay inay qabsadaan Magaalada.
Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in Kismaayo aysan ka dheeren islamarkaana ay ujiraan 50-ilaa 60-Km,deeganada ku dhaw dhaw ee Kismaayo oo ay gaareena ay yihiin kuwa nabdoon oo aan dhibaato ka jirin.
Wuxuu sheegay in deegaannada ay gaareen ciidamada AMISOM ay kala kulmeen dad dhibaateysan oo shacab ah ,balse goobaha ay gaareen ay yihiin goobo nabdoon islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii ay u gargaari lahaayeen.
Dagaalada u dhaxeeya ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Ururka Al Shabaab ee ka dhacaya Gobalka Jubbada Hoose ayaa sii xoogeystay, iyadoo ay qeyb ka yihiin dagaaladaasi duqeymo xooggan oo lagu garaacayo Magaalada Kismaayo.