Inka badan 700 oo ku xiran Libiya

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Tipoli Sept 04,2012(SDN)- Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa ka warbixiyay tirada maxaabiista Soomaalida ee ku xiran xabsiyada ku yaallo dalka Liibiya.

C/qani Maxamed Waceys Safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa  sheegay tirada dhalinyarada xabsiyada dalka Liibiya ku jira ay gaarayaan ilaa 700 oo dhalinyaro gabi ahaanba Soomaali ah.
Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay maalin waliba kormeeraan dhalinyarada ku jira xabsiyada islamarkaana mar waliba ay isku dayaan inay ka baxsadaan xabsiga hayeeshe ciidamada ilaalada ka ah xabsiga ay soo qabtaan islamarkaana jirdil ugeestaan taasina ay tahay dhibaato hor leh.
Dalka Liibiya ayaa waxaa ku sugan Soomaali badan oo ujeedkooda yahay inay ka gudbaan bada udhaxeysa dalka Liibiya iyo sidoo kale dalka Talyaaniga,waxaana jira dhalinyaro badan oo bada dhexdeeda ku geeriyootay kadib markii ay la xumaatay dooni ay saarnaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>