Nairobi Sept 05,2012(SDN)-Afhayeenka Ciidanka cirka ee Dowladda Kenya Cyrus Oguna ayaa sheegay in iyaga ay duqeyeen Magaalada Kismaayo mar uu la hadlayay Idaacada Bbc-da laanteeda afka Engliska, waxa uuna intaas ku daray in ay qorsheynayaan dhawaan in ay gacanta ku dhigaan Magaalada Kismaayo.
24kii saac ee la soo dhaafay ayaa duqeymo is xig xiga ka dhaceen Magaalada Kismaayo kuwaa oo ka imaanaya dhanka Xeebta oo ay soo tuurayeen Maraakiibta dagaalka Dowladda Kenya.
Afhayeenka Ciidamada Cirka Kenya ayaa qiray in iyagu ay duqeeyeen Magaalada Kismaayo isagoo carabka ku dhuftay in ay doonayaan in ay la wareegaan gacan ku haynta Magaalada Kismaayo.
Dhanka kale Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay wadaan borbakando aan waxba ka jirin islamarkaana ay iska difaaci doonaan weerar kasta oo kaga yimaado Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Magaalada Kismaayo waa Magaalada kali ah oo ku hartay gacanta Al-Shabaab waana Magaala muhiimad gaar ah u leh Xarakada Al-Shabaab.