Al Shabaab oo wiil dhalinyaro ah gacanta kaga jaray Jowhar

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Jowhar Sept 09.2012(SDN)- Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee gobbolka Sh/ dhexe ayaa sheegaya in Xarakada Al Shabaab ay maanta oo Axad ah xukun gacan gooys ah ka fulisay magaaladaasi.

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa meel fagaaro ah wiil dhalinyaro ah gacan kaga gooyay kaasi oo lagu soo eedeeyey fal xatooyo ah.

Wiilkaani gacanta laga gooyey ayaa lagu soo eedeeyey in uu xaday mobile, waxaana ciidamada ay hawlgallo ka sameeyeen xaafadaha Jowhar ay gacanta ku soo dhigeen wiilkaasi kaa oo muddo ay ku hayeen xabsi ay ku leeyihiin Jowhar.

Shabaab ayaa gacanta markii ay ka gooynayeen wiilkaasi waxa ay isugu yeereen boqolaal dadweyne ah kuwaasi oo daawanayey qaabka ay ciidanka gacanta ugu gooynayeen wiilkaasi.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Al-Shabaab ay wiil dhalinyaro ah gacanta ugu jaraan deegaanada ay iyagu gacanta ku hayaan iyagoo aayado quraan u soo daliilsanayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>