Hakad ku jira Baladweyne
Baladweyne Sept 09.2012(SDN)- Wararka ka imaanaya Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saakay ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka wadaan baaritaanno xooggan oo ku aaddan Magaalada.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saaka waaberigii ciidamada dowladda ay arkayeen iyagoo baaritaanno ka wada halkaasi.
Xaafadaha ugu badan oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameyanyaan baaritaanada ayaa waxaa ka mid ah xaafadda howlwadaag iyo sidoo kale xaafado kale oo ku yaalla Magaalada Beladweyne.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in howlgalka baaritaanka uu yahay mid xooggan islamarkaana ammaanka lagu sugayo.
Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka dhaca mar marka qaarkood qaraxyo ciidamada dowladda iyo kuwa Ethopia halkaasi lagula eegto.