Kooxo weerar ku qaaday Kaniisad ku taalla Mombasa, Kenya

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Mombasa  Sept 09.2012(SDN)- Kooxo hubaysan ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Magaalada Mombasa ee dalka Kenya kaasi oo keenay in qasaaro kala duwan ay kasoo gaaraan dad ku sugnaa gudaha Kaniisaddaasi.

Weerarka lagu qaaday Kaniisadda ayaa la sheegayaa in uu ku dhawaacmay Madaxii Kaniisadda, Xaaskiisa iyo gabar ay dhaleen kuwaasi oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, islamarkaana iminka lagu dabiibayo Isbitaallo ku yaalla Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Ciidamada booliska ee dalka Kenya gaar ahaan kuwa Mombasa ayaa tibaaxay inay wadaan howlgallo baaritaanno ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka, iyagoo ku raad jooga Kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi, sida ay sheegeen Saxaafaddana usoo bandhigi doona baaritaanada ay wadaan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa dhinaca kale sheegay inay suuro gal tahay inay weerarkaani ay ku leeyihiin rabashadihii ka dhacayay Magaalada Mombasa ee looga soo horjeeday dilkii Hoggaamiye diimeedka Muslimka ahaa ee lagu dilay Magaalada Mombasa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>