Saakay Muqdisho ka duwan Subaxyadii hore

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho  Sept 09.2012(SDN)- Waxaa saakay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ka socdo ololahii ugu dambeeyay oo ay wadaan Musharixiinta dalka Soomaaliya, iyadoo waddooyinka ugu waaweyn Magaalada Muqdihsho ay buuxdhaafiyeen Gawaari ay ku sawiran yihiin Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya

Waxaa kugu soo dhacaya xisbiyada kala duwan ee ka jira dalalka dibadda kuwaasi oo markii ay doorasho galayaan la hadla shacabka taageerayaasha u ah.
Musharixiin badan ayaa ku sugan magaalada Muqdisho ,waxaana dhamaantood ay u tartamayaan xilka madaxweynaha Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo doonaya inay waxqabadkooda soo bandhigaan.
Inkastoo shacabka aysan waxba dooranaynin, haddana musharax kastaa wuxuu doonaya inuu shacabka la hadlo, waxaana taas ay muujinaysaa isbedelka magaalada Muqdisho.
Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka socda ololahii ugu dambeeyay ee musharax kastaa oo waxqabadkiisa uu kusoo bandhigiu lahaa.
Taageerayaasha ayaa dhankooda waxay gacmaha kusoo qaadanayaan sawirada musharaxa ay taageersan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>