Garoowe Sept 09.2012(SDN)- Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa looga digay in khalkhal lagu abuuro doorashada Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya taasi oo la filayo inay ka dhacdo magaalada Muqdisho 10-Ka September 2012.
Maamulka Puntland ayaa ka digtay in dib loo doorto Madaxdii dowladda TFG-da ee ku fashilantay Maamulkii dalka waa sida lagu sheegay war-saxaafadeedkaasi.
WAR SAXAAFADEED 8 September 2012
Dowladda Puntland waxay si weyn uga digaysa dhaqanada ku salaysayn khalkhalgelinta, musuqmaasuqa , iyo handadaada maalmahaan ugu dambeeya ka socda habka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Dowladda Puntland waxay door weyn ka ciyaartay hirgalinta Barnaamijka Roadmap-ke ee Dhamaystirka Xilliga KMG ah, iyadoo Puntland ku qabatay magaalada Garowe Shirarkii Qaran ee Dastuurka iyo iyadoo door muhiim ah ka qaadatay Shirarkii Saxiixayaasha ee lagu qabtay magaaloyinka Galkacyo, Addis Ababa iyo Nairobi.
Tixraac war-saxaafadeedyadii Dowladda Puntland ee:
• 10 June 2012, Puntland waxay ka digtay qaswadayaasha ka soo horjeeda tubta nabadda ee dalka Sooomaaliya;
• 4 July 2012, Puntland waxay taageertay dhisitaanka iyo dhamaystirka Maamullada Federaalka, sida ku cad Dastuurka Federaalka Soomaaliya; • 26 August 2012, Puntland waxay ka digtay faragelinta joogtada ah ee qaabka xulitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka; sidoo kale, Puntland waxay magacawday Guddiga Arrimaha Federaalka oo dabagala arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka Federaalka;
• 28 August 2012, Puntland waxay soo dhaweysay doorashadii Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamad Cismaan Jawaari waxayna ku boorisay Gudoomiyaha cusub inuu sii ambaqaado ajendaha Baarlamaanka, oo ku salaysan Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
Iyadoo ay u muuqatay dib usoo noolaanshaha istaageeridda siyaasiyiintii fashilmay, Puntland waxay ku boorinaysaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka inay dalka ku jiheeyaan waddo cusub oona doortaan siyaasi aaminaad leh, hufan, una qalma jagada Madaxweynenimada iyo Rai’sul Wasaarenimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Puntland waxay si weyn uga digaysaa doorashada siyaasiyiin hore loo tijaabiyey kuna fashilmay xilkii Qaran oo loo igmaday, iyagoo ka doorbiday danahooda gaar-ahaaneed iyo iskudirka iyo soo nooleynta colaad bulshada dhexdeeda ah, taasoo soo celineysa burburkii Soomaaliya.
Hadii shaqsiyaadka tilmaamtaas leh ay xukunka Dalka ku yimaadaan si aan cadaalad ahayn, Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay inay ka tashato aayaheeda iyadoo raacaysa Dastuurka Puntland.