Muqdisho Sept 09.2012(SDN)- Waxaa xalay kulan wada yeehsay guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya Pro. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ee Sheeekh Sheekh Axmad.
Kullanka oo ka dhacay aqalka uu ka daganyahay guddoomiyaha barlamanka magalaada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa ahaa mid looga hadlaayey sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka iyo sidii loo dhameystiri lahaa hawsha sida wanaagsan u socota.
Ugu horeyn kulanka ka dib waxaa saxaafadda la hadlay Sheekh Shariif waxa uuna sheegay in uu ku faraxsanyahay in ay kulan wada qaataan gudoonka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
Shariif waxa uu sidoo kale sheegay in Jawaaari ay ka wada hadleen sidii ay uga wada xaajoon lahaayeen in wax waliba ay ku dhammaadaan sidii loogu talagay, maadaamaa wadanka haatan uu ku jiro marxalad adag.
Guddoomiyaha barlamanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sidoo kale la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay Madaxweyne Shariif ay kaga arinsanayeen xaaladda dalka .
ugu dambeyn Jawaari ayaa qeexay in shaqada barlamanka aan loo hakin doonin xildhibaanada ka maqan ee aan weli la soo gudbin, isagoo ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gudbiyo.