Muqdisho Sept 12,2012(SDN)- Xarakada Al Shabaab oo si weyn ugu soo horjeedda dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxayada ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho ee lagu weeraray Madaxweyne Prof. Xasan Sheekh Max’ud.
Afhayeenka guud ee Al Shabaab Sheekh Cali Maxamud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in iyagu ay ka dambeeyeen weeraradii maanta lagu qaaday Hotelka Al-Jaziira halkaasi oo kullan ugu socday xubno ka socday dalka Kenya, Kuxigeenka Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Wafula MWamiyiye, Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamed iyo xubno ka tirsan xukuumaddii uu waqtigeedu idlaaday ee uu ku jiray Cabdi Maxamed Cali Gaas.
Afhayeenka ayaa xusay in qaraxyadaasi ay fuliyeen dhalinyarada gaar ah ee ku hawl leh fulinta qaraxyada, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in halkaasi ay khasaare ugu geysteen ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo siyaasiyiin kale oo beesha caalamka ah waa sida uu hadalka u dhigaye.
Maanta ayaa waxaa qaraxyo ismidaamin ah lagu weeraray Hotel uu Muqdisho ka deganaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com