Intuu seexanaa Caawa Madaxweynaha cusub

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho  Sept 12,2012(SDN)- Madaxweynaha Dowladda cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud ayaa caawa ku hoyana Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya xilli maanta Qaraxa lagula eegtay Hotel uu ka deganaa Magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM oo si aad ah hubaysan iyo kuwa dowladda ayaa caawa geeyay Madaxweynaha Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, xilli muddo afar iyo labaatan saac oo uu Madaxweyne yahay uusan gaarin Xarunta Madaxtooyada.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah madaxweynihii hore ee Dowladda KMG Soomaaliya ayaa gaaray Htelka Jaziira oo ah halkii uu Madaxweynaha qaraxa lagula eegtay, iyadoo Shariif uu halkaasi ku sugnaa waqti kooban.

Intaasi kaddib ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud waxay labada u dhaqaaqeen dhanka Xarunta Madaxtooyada.

SDN-Muqdisho

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>