Muqdisho Sept 12,2012(SDN)- Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Xaashi Jawaari ayaa maanta kullan la qaatay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Cemalettin Kani Torun.
Kullanka kaddib ayaa waxaa si wadajir ah ay u la hadleen saxaafadda Muqdisho, Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in kullanka ay ugu wada hadleen xaaladda Soomaaliya ee iminka.
Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa tilmaamay in Caaleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed ay dhici doonto Maalinta Axadda ee taarkhdu ay ku beegan tahay 16 September 2012.
Guddoomiyaha barlamanka ayaa xusay in kala wareegga labada Madaxweynayaal ee kala ah Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii dowladda KMG Soomaaliya iyo Xasan Sheekh Maxamud Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay guddi gaar ah u sameeyeen kala wareejintaasi ama caleema saarkaas.
Cemalettin Kani Torun oo ah safiirka Turkiga u fadhiya dalkeena Soomaaliya oo isana la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Turkiga uu aad u soo dhaweynayo Madaxweynaha cusub, waxaana uu carabka ku dhuftay in Turkiga uu wax weyn ka qaban doono dalka, isagoo carabka ku adkeeyey in uu sameyn doono tababaro xirfadeed iyo sidoo kale inay dib u soo celinayaan muuqaalka Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa wajahaya wadan xaalad adag ay ka jirto, iyadoo si weyn ay u soo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad.