Kismaayo Sept 13,2012(SDN)- Diyaaradahaani ayaa lagu soo waramayaa in illaa dhowr Bambaano ay ku tuureen Xarun Al Shabaab ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Kismaayo gobolka Jubbada hoose.
Dad deegaanka ah ayaa u sheegay Qurbejoog.com in duqeymaha ay ahaayeen kuwa xooggan islamarkaana lala beegsaday goobo ay ku sugan yihiin Saraakiil ka tirsan Al Shabaab, inkastoo aan la ogeyn qasaaraha soo gaaray.
Lama oga halka laga leeyahay diyaaradaha duqeymaha la dhacay Xarumaha Al Shabaab iyo wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ahaa Kooxihii duqeymaha lala dhacay.
” Duqeymaha way xooganaayeen xalay saqdii dhexe ayay bilowdeen, xaqiiqdii lama yaqaano halka laga leeyahay, laakiin Madaafiicdu way xoogganeyd” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.
Dowladda Kenya ayaa marar badan duqeymo la dhacday goobaha ay Jubbooyinka kaga sugan yihiin Ururka Al Shabaab.
SDN-Kismaayo
Contact@somalidiasporanews.com