Gaalkacyo Sept 13,2012(SDN)- Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay la dagaalamayaan jidgooyooyin yaalla qeybo ka mid ah gobolka Mudug kuwaasi oo looga qaado safarleyda lacago sharci darro ah.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Maxamed Guure Guuleed oo la hadlayey Warabaahinta ayaa sheegay inay jiraan cabashooyin ka soo gaaray dadka ku safra gobolka Mudug ee lagu dhibaateeyo waddooyinka.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ammaanka waddooyinka gobolka Mudug ay sugi doonaan islamarkaana ay la dagaalami doono kooxo burcad uu ku sheegay oo jidgooyooyin dhigtay qeybo ka mid ah gobolkaasi, isagoo dhinaca kale shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Galmudug.
Waayadii dambe ayaa waxaa dadka ku safra waddooyinka gobbolka Mudug waxa ay cabasho ka muujinayeen kooxo hubeysan oo jidgooyooyin dhigta wadooyinka gobolkaasi kuwaasi oo lacago sharci darro ah ugu qaado islamarkaana mararka qaar dhac u geysta dadka safarka ah.
SDN-Gaalkacyo
Contact@somalidiasporanews.com