Hakad ku jira Ganacsigii Somalida ee Koofur Afrika

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Cape Town Sept 13,2012(SDN)- Qaar ka mid ah  ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqanka dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in ganacsigoodu uu hakad galay, kaddib markii Ganacsatada warqado hanjabaad ah loogu daadiyay goobaha ay ku ganacsadaan.

Wariyaha Qurbejoog.com ee dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in xaaladda awal ay iska xumeed haddana ay sii raacday in hakad la galliyo ganacsigii ay ku lahaayeen dalka Koofur Afrika taasi oo uu sheegay inay dhibaato ku tahay dadkaasi.

“Ganacsatada Somalida way baqanayaan, awal hore waxay aheyd in dhibaato lagu qabay kooxo burcad ah, laakiin hadda sheekada way ka tagtay meeshaasi oo waxaa jira, in waraaqado lagu soo daadiyay Mehragada ganacsi oo halkaasi ku leeyiihiin Soomaalida” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Koofur Afrka ayaa wajaha dhibaatooyin badan oo kaga imaanaya burcad Koofur Afrikan ah kuwaasi oo dilal iyo dhac u geysta Soomaalida Ganacsatada ah.

SDN-Cape Town

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>