London Sept 13,2012(SDN)- Wasiirka arrimaha Dibadda ee Dowladda Ingariiska ayaa si wayn u cambaareeyay weerarkii shalay lagu beegsaday Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo kullan kula lahaa Hotelka Al-Jaziira ee ku yaalla Magaalada Muqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Sam Ongeri.
Bayaan ka soo baxay Xafiiska Wasiirka arrimaha Dibadda ee Dalka Britain William Hague ayaa si xooggan loogu cambaareeyay weerarkaasi Ismidaaminta ahaa, isagoo ku timaamay in uu ahaa weerar aargagixiso oo lagu doonaayay in lagu qaarajiyo Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha Dibada Dalka Kenya.
Waxa uuna ugu baaqay Wasiirka Madaxweynaha Cusub in uu ka shaqeeyo sidii ammaanka uu u xoojin lahaa Dowladda Ingariiskana diyaar ay u tahay in ay ka taageerto dhanka sugidda ammaanka waas sida uu sheegay William Hague, waxa uuna intaas ku daray in Wasiirka arrimaha Dibadda Inagriiska in Dowladda Ingariiska ay sii wadi doonto taageerida Dalka Soomaaliya.
Weerarkii shalay lagu qaaday Madaxweynaha Cusub ayaa waxaa si wada jir ah u canbaareeyay Dalal badan iyo Hay’adda Qaramada Midoobay, iyagoo ku tilmaamay in uu ahaa weerar fuleynimo ah.
SDN-London
Contact@somalidiasporanews.com