Hargeysa Sept 13,2012(SDN)- Xuuumadda Somalialand ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku cambaareynayso qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee lala eegtay Hotel uu ku sugnaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Max’ud.
War ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in shacabka Somaliland iyo Xukuumadduba ay si aad ah uga xun yihiin qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee lagu doonayay in lagu qaarijiyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin la shirsaneyd.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Dr. Mohamed Abdilahi Omar oo ku xusan warsaxaafadeedka ayaa sheegay in qaraxyadaasi Xukuumaddoodu ay si aad ah u cambaareynayso islamarkaana tacsi uu u dirayo dadkii waxyeellada ay soo gaartay qoysaskii ay ka soo jeedeen
Dr Mohamed Abdilahi Omar waxa uu shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda ku dhiiro geliyay la dagaalanka waxa uu ugu yeeray argigixisada, wuxuuna intaasi ku daray in wada shaqeyn la yeelanayo dowladda cusub maadaama sida uu sheegay ay yihiin labo dowladood oo deris ah.
SDN-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com