Muqdisho Sept 16,2012(SDN)- Waxaa Saakay si aad ah loo adkeyay Ammaanka Magaalada Muqdisho, waxaana jira Ciidamo gaar ah oo jooga Waddooyinka, kuwaas oo ka kala Tirsan Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugida, iyagoo ay baarayaan dadka iyo gaadiidka Bl-ka ah , waxaana gebi ahaanba gawaarida BL-ka ah laga la xiray wadada isku xirta Isgoyska Dabka iyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Ammaanka ayaa la adkeeyay, waxaana baaritaanada ay ka socdaan Saakay Guud ahaan waddooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo ay Ciidamada dadka ka dajinayaan gaadiidka ka dibna ay Ruux waliba ay si gooni ah u Baarayaan.
Baaritaanadaani ka socda Muqdisho ayaa ah mid lagu adkeynayo Ammaanka Munaasabada lagu Caleemasaarayo Madaxweynaha Cusub ee Xasan Sheekh. Maxamuud oo dhawaan Qaraxyo lagu weeraray Hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ee uu Daganaa.
Wafuud Caalami ah ayaa lagu wadaa inay yimaadaan Muqdisho, saakayna Muqdisho waxa ku badan askarta.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com