Hakad la galiyay diyaaradihii kasoo dagayay Garoonka Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Sept 16,2012(SDN)- Waxaa maanta xayiraad la saaray duulimaadyadii Diyaaradaha ee saarnaayeen dadka rakaabka ah ee ka kala imaanayay Dunida dacaladeeda dhammaan.

Xayiraaddaani la saaray duulimaadka dadka rayidka ah ayaa keentay in  Maanta la filayo in Garoonka ay ka soo dagaan wafuud ka kala socota Beesha Caalamka oo ay ka mid ah yihiin Madaxweynayaal.

Madaxdaani ayaa waxaa la filayo in ay ka qeyb qaataan Xafladda caleema saarka Madaxweynaha Cusub, iyadoo Ammaanka Garoonka uu yahay mid si aad ah loo adkeyay  Saake.

Xafladdaani oo maanta la filayo In ay ka  dhaceyso Xarunta Dugsiga Gen. Kaahiye oo ah mid lagu Caleema saar ah  ayaa waxey noqotay mid caqab ku naqata dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo kuwa filaya in ay Maanta ka soo dagaan magaalada Muqdisho.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>