Madaxweyne Xasan: Ciddii dambi gashay lama cafinayo

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Sept 16,2012(SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in inta uu hayo talada dalka  aysan dhici doono cid dambi gashay oo la cafiyo.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in aysan dhici doono qof dambi galay ee uu daba socdo wasiir, Xildhibaan ama oday dhaqameed waxa uuna meesha ka saaray in wax cafis ah uusan qofkaasi la kulmi doonin isagoo awood u leh inuu cafiyo shaqsiga dambiga galay.

Xasan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan inay dambi galaan islamarkaana waxa uu kula dardaarmay inay u hogaansamaan sharciga.

Madaxweynaha Jamhruuiyadda Federaalka Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in hadii maanta oo kale ay maxakamad xukunto dambiile isla bari oo kalena lagu fulin doono oo wax dib u dhac ah aan la sameyn doonin.

Xubnaha Xildhibaanada iyo Golaha Wasiirada ee imaan doonto ayaa waxa uu ugu baaqay in aysan cadaadis ama pressure aysan ciidamada dowladda ku saarin in qof dambi galay la sii daayo.

Dhanka waxa uu hoosta ka xariiqay in madaxda dowladda ee hada jirta iyo Ra’iisul Wasaaraha Imaan doono inay isku aragti, isku go’aan ay noqon doonaan, go’aankoodana uu yahay sidii dalka looga gudbin lahaa dhibatada, dowlad-nimo looga yegleeli lahaa dalkeena Soomaaliya.

Maanta ayaa lagu wadaa in Munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>