Meeqo Mas’uul ayaa ka hadlay Caleemo saarka Madaxweynaha

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Sept 16,2012(SDN)-  Masuuliyiin ka socotay wadamamadda Beesha Caalamka ayaa qudbado kala duwan waxa ay ka jeediyeen Xaruunta Iskuul Buliziyo ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ka socoto Munaasabadda Caleema Saarka Madaxwaynaha.

Madaxdii kala duwanayd ee ka hadashay Munaasabadda Caleema saarka ayaa si aad ah waxa ay ugu dheeraadeen in laga soo gudbay maraxlad aad u adag.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Ra’isulwasaaraha waqtigiisu uu dhamaaday ayaa qudbada uu jeediyey waxa uu sheegay in dowladdii KMG ahayd wax badan ay ka soo qabatay dalka.

“Eithopia waxa ay soo dhawaynaysaa dowladda cusub waa ayna garab taganaaysaa” Hadalkaas waxaa qudbadiisa ku sheegay Hayla Maryam Ra’isulwasaaraha Eithopia.

Bekir Ra’isul wasaare ku xiggeenka Eithopia ayaa isna ka sheegay xaruunta Munaasabaddu ay ka dhacayso in Turkiga mar kasta garab uu siinayo soomaaliya.

Moses Ali   aayaa tilmaamay inuu si weyn usoo dhaweenayo doorashada Madaxweynaha cusub wuxuuna sheegay in labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Ugaandha xiriirkooda uu marayo heerkii ugu wanaagsanaa.

Mr.Heyle Maryam oo hadal jeediyey  ayaa sheegay in Dadka iyo dalalka Itoobiya iyo Soomalaiya xiriir dheer baa ka dhaxeeyo asago osheegay in dadka iyo labada dal qeybsadaan wax walba oo ah dad ahaan iyo xataa biyaha.

Wuxuu sheegay Raysalwasaaraha Itoobiya xiriirka u dhaxeeya labada dal inuu yahay mid dhiig lagu dhisay asagoona sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid aan weligiis kala go’i doonin.

Samiir Xusni oo matalayey Jaamacada Carabta oo hadal kooban ka jeediyey munasabadda caleema saarka ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay taageero buuxda siin doonto dalka Soomaaliya iyo Xukuumada cusub.

 Dr.Naafir Cali Naafir oo hogaaminayey wafdiga ka socda dowlada Sudan ayaa sidoo kale khudbad kooban uu halkaasi kasoo jeediyey ugu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub iyo shacabka Soomaaliyeed, asagoo sheegay in uu salaan diiran uga sido shacabka Soomaaliyeed shacabka ay walaalaha yihiin ee Sudan.

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxwaynaha Jabuuti  oo  hadal jeediyey  ayaa ku wargaliyey marka hore Madaxda Soomaalidda inay aqbaleen codsiga ah inay yimaadaan Magaaladda Muqdisho.

Guul lagu farxo ayuu Madaxwaynaha Jabuuti  Doorashadda Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudan Xasan Sheekh Maxamuud.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>