Muqdisho Sept 16,2012(SDN)- Iyadoo maanta ay tahay Maalin Axad Taariikhduna ay ku beegan tahay 16-ka September oo ku beegan maalinta la shaaciyey in xaflada caleema saarka ee Madaxweynaha cusub Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkeena Soomaaliya ku soo qul qulaya wufuud caalami ah.
Wafdi ka socda Urur Gobboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta, Midowga Africa iyo xubno kale oo ka socda Maamulada Soomaalida ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Wufuudani caalamiga ah ayaa ujeedkooda yahay sidii ay ugu qeyb geli lahaayeen xaflad caleemo saar ah oo maalinka bari ah lagu wado in lagu caleemo saaro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.
Wixi soo kordha kala soco Qubejoog.com
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com