Wararkii ugu dambeeyay Qaban qabada ka socota Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Sept 16,2012(SDN)- Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeena Soomaaliya si toos ah ugu socota qaban qaabada Munaasabad lagu wado in maanta oo Axada lagu caleemo saaro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Qabanqaabada ayaa waxa ay ka soconeysaa Dugsiga Gen. Kaahiye waxaana la sugayaa ammaanka wadooyinka galaya xarunta iskuul boolisiyo halkaasi oo lagu wado inay ka dhacdo xafladda caalama saarka.

Waxaa halkaasi ku sii qulqulaya madax fara badan oo kala timid wadamada iyo ururada daneeya arimaha Soomaaliya.

Xildhibaano, safiiro iyo xubnaha kale ee bulshada rayidka ah ayaa ka qeyb gelaya xafladaasi.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn u adkeenayana una sugayo ciidamada dowladda gaar ahaana ciidamada nabad sugida iyo kuwa booliska Soomaaliya.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa horay u shaaciyey in maanta oo Axad ah 16-ka September ay ku beegan tahay maalinta calaama saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>