Kismaayo Sept 17,2012(SDN)- Gobbolka Jubada Hoose xaruntiisa Magaalada Kismaayo ayaa la soo sheegayaa in dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ay guud ahaan isaga baxeen Magaaladaasi.
Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa u sheegay BBC-da in dagaalyahanada ay isaga baxeen fariisinkii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen dekada Magaalada Kismaayo iyadoona maalmihii la soo dhaafay ay isaga baxayeen fariisamo kale oo ay ku lahaayeen magaalada Kismaayo.
Kismaayo waa saldhigii ugu weynaa ee kooxda ay xiligan ku lahayd Somalia, halkaasi oo ay ka soo abaabuli jirtay dagaalada ay kala soo horjeedo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ee taageerada Militari siiya Ciidamada Soomaalida.
Dadka ku nool Kismaayo ayaa sheegay in dagaalyahanada ay magaalada kaga baxayeen gawaarida waaweyn iyo buses iyagoo horay u qaatay waxyaabaha ugu waaweyn ee muhiimka u ah kooxda, balse Xarakada Al-Shabaab ayaa iyadu dafireyso wararka sheegaya inay Kismaayo ka bixiyeen Ciidamada Miwoga Africa ee AMISOM.
Mohamed Cismaan Caruus oo kamid ah Al-Shabaab ayaa BBC-da u sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida 100 ruux islamarkaana ay dib ugu durjiyeen magaalada Kismaayo ciidamada huwanta ah.
Dadka iyagu falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in hadii Al-Shabaab gacantooda ay ka baxdo magaalada Kismaayo oo magaalo istaraatiji ah ay ku noqon doonto dhabar jab xooggan oo soo wajahda Al-Shabaab.
SDN-Kismaayo
Contact@somalidiasporanews.com