Ciidamada Dowladda oo la wareegay Jannay-Cabdalla

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Kismaayo Sept 18,2012(SDN)-   Ciidamada  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Midowga Africa ee AMISOM gaar ahaana kuwa Kenya ayaa la soo sheegayaa in la wareegeen deegaanka Jannay Cabdalle ee gobbolka Jubada Hoose.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in deegaanka Janay Cabdalle ee gobbolka Jubada Hoose  ay la wareegeen, waxaana ay sheegeen saraakiisha in aysan wax dagaal ah ka dhicin markii ay la wareegayeen oo si nabdoon ay ula wareegeen.

Saraakiisha ayaa xusay inay Al-Shabaab halkaasi isaga baxeen islamarkaana ay iyagu halkaasi la wareegeen iyadoona wax dagaal ah uusan ka dhicin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay sidoo kale la waregeen deegaanka Birta Dheere oo aan sidaa ugu fogeyn balse arinkaasi waxaa gaashaanka u daruuray Al-Shabaab oo sheegtay inay dib u riixeen ciidamada huwanta iyagoona shaaciyey inay 100 askari ka dileen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Saraakiisha ayaa carabka ku dhuftay inay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay gudaha u galaan Magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubada Hoos.

Gobbolada Jubbooyinka ayaa waxaa ka soconaya hawlgallo xooggan oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan kuwaasi oo ay ugu soo horjeedaan Xarakada Al-Shabaab.

SDN-Kismaayo

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>