Ammaanka Gaalkacyo oo laga shiray

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Gaalkacyo Sept 19,2012(SDN)- Kullan looga hadlayey ammaanka gobolka Mudug ayaa maanta ka dhacay magaalada Galkacyo ee Xarunta  gobbolka Mudug, waxaana kullankaasi ka qeyb galay saraakiil ciidan iyo xubno kale oo ka tirsan Galmudug.

Axmed Baasto Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Galmudug ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga hadlayey cabasho maalmihii dambe ugu imaaneysay shacabka ku dhaqan Galmudug oo ku aadan jidgooyooyin yaala inta u dhexeysa deegaanka Galinsoor iyo Galkacyo.

Axmed Maxamed (Axmed Baasto) ayaa hoosta ka xarriiqay in kulanka layskula afgartay sidii kooxaha hubeysan ee jidgooyooyinka u yaala gobbolka Mudug loola dagaalami lahaa.

Maalmihii dambe ayaa waxaa cabasho badani ka soo yeereysay shacabka ku dhaqan gobbolkaasi kuwaasi oo ka cabanayey jid gooyooyin sharci daro ah oo kooxo hubeysan u yaallo gobbolkaasi Mudug.

SDN-Gaalkacyo

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>