Maraakiib laga leeyahay Maraykanka oo ku sugan Kismaayo

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Kismaayo Sept 19,2012(SDN)-  Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in maraakiibteeda dagaalka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay hadda hawlgallo ka wadaan xeebaha magaalada Kismaayo halkaasi oo ay kala socdaan dhaq dhaqaayada Shababku ka wadaan magaaladaasi Kismaayo.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee dalka Maraykanka oo asagoo ku sugan magaaladda Washington la hadlay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay in maraakibtooda dagaalka ay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaayeen xeebaha magaalada Kismaayo, waxaana uu sheegay in ujeedka ay halkaasi u tageen ay tahay inay la socdaan dhaq dhaqaayada ay magaalada Kismaayo ka wadaan hoggaanka Xarakada Al-Shabaab iyo xubnaha kale ee Al-Qacidda ka tirsan.

Afhayeenkaan ma uusan sheegin in maraakiibtooda ay ka qeyb galeen wax dagaal ah, waxaase uu tilmaamay inay dhaq dhaqaaqyada Al-Shabab la socdaan.

Sidoo kale afhayeenka Maraykanka u hadlay waxaa uu ka gaabsaday in ciidamadooda ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalada ka dhan ah Al-Shabab ee Kenya la doonayo in lagu qabsado magaalada Kismaayo.

Maraykanka ayaa waxaa biyaha Soomaaliya ka jooga maraakiib dagaal oo uu sheego inay kula socdaan dhaq dhaqaaqyada Al-Shabab iyo Al-Qacida.

SDN-Kismaayo

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>