Kismaayo Sept 20,2012(SDN)- Ciidamada Midoowga Afrika ayaa ugu baaqay Xarakada Al-shabaab inay hubka dhigaan, Bayaan ay soo saareen Ciidamada Midoowga Africa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxay ugu baaqeen Ciidamada Xaakada Al-Shabaab ee ku sugan Magaalada Kismaayo inay hubka dhigaan oo ay isa soo dhiibaan.
Taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM Major Jaranaal Simon Karanja ayaa ku sheegay bayaankiisa “Waxaan ku boorineynaa dhamaan dagaalyahnada Al-Shabaab ee ku xayiran Magaalada Kismaayo inay hubka dhigaan anagoo ugu baaqeyno inay muujiyaan daganaan islamarkaana ay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayuu yiri.
Waxay sheegayaan wararka naga soo gaaraya kismaayo, boqolaal dad shacab ah iyo sidoo kale dagaalyahno hubaysan inay bilaabeen ka bixitaanka Kismaayo, cabsi laga qabo weerar kaga imaanayo Ciidamada Dowladda oo isbaheysi la ah kuwa Midoowga Africa ee AMISOM kenya.
Gudaha Magaalada Kismaayo waxaa hareeyay cabsi ay qabaan dadka ku nool sida ay xaqiijinayaan wararka ka imaanaya Magaaladaasi waxayna dadka rayidka ah walaac ka qabaan xaalada deegaanadooda oo ka sii dareyso. Tan iyo markii ay soo ifbaxeen in Ciidamada huwanta ay u dhawaadeen Magaalada Kismaayo islamarkaana xoogaga Al-shabaab ay faarujiyeen magaaladaasi waxaa isa soo taraayay walaaca laga qabo inay xaalad binuaadannimo ka dhalto goobaha laga cabsi qabo inay ku hardamaan Xoogaga iska soo horjeeda.
SDN-Kismaayo
Contact@somalidiasporanews.com