Muqdisho Sept 20,2012(SDN)- War deg deg ah oo iminka ina soo gaaray ayaa sheegaya in qaraxyo ismidaamin ah lagu weeraray maqaaxi ku taallo guriga Hooyooyinka oo lagu magacaabo The Village.
Wariyaha Website-ka Qurbejoog.com ee Max’ed Max’ud Tuuryare ayaa soo sheegaya in qaraxyada ay ahaayeen kuwa Ismiidaamin ah islamarkaana ay ka dambeeyaan labo ruux oo iska soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya inay aheyd goob ay isugu yimaadaam Wariyeyaasha iyo Mas’uuliyiinta kale ee Dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in qaraxa ay ku dhinteen inka badan 15-ruux halka tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen.
Gawaarida Ambalasta ee daabula dhaawacyada ayaa gaaray goobta, waxanaa dhamaan dadka loo kala Qaaday Isbitaallada Madiino iyo Daaru Shifaa oo ku yaalal MAgaalada Muqdisho.
Xaaladda ayaa cakiran, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo wada baaritaano, waxaana sidoo kale la arkayaa hilbo go’goan.
Naga filo faah faahin intaani ka badan iinsha alaah
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com