Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Sept 22,2012(SDN)-  Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa habeenkii Xalay waxaa loo adkeeyey si weyn xili qaraxyo kala duwan ay ka dhaceen magaalada maalmihii ugu dambeeyey.

Ciidamada booliska iyo nabad sugida ayaa xalay lagu daayiyey wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho gaar ahaan wadooyinka soo gala aqalka Madaxtooyada Villa Somalia.

Ciidamada ayaa ahaa kuwa foojignaa islamarkaana si weyn u adkeeynayey ammaanka magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa baaritaano ku sameeynayey dadka iyo gaadiidka waxaana ciidamada faraha badan ee xalay lagu daadiyey magaalada ay timid kadib markii qarax nooca miinada dhulka ciidamada AMISOM lagula eegtay Isgoyska Folerance ee degmada Wardhiiglay.

Labadii maalin ee ugu dambeeysay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ka dhan ah ammaanka oo ku dhinteen dad badan oo shacab ah iyo wariyayaal aan waxba galabsan.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>