Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo ku wajahan Jowhar

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Jowhar Sept 22,2012(SDN)- Sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka ah, xiisado dagaal ayaa ka taagan deegaanno hoostaga Magaalada Jowhar ee gobbolka Sh/ dhexe halkaasi oo ay ku siqeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Saan saantaan Colaadeed ayaa waxa ay u dhexeeysaa Ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa ku wajahan Magaalada Jowhar, waxaana jirta cabsi iyo qal qal soo wajahay dad ku sugan halkaasi sida ay sheegayaan dadka deegaanka ah.

Xarakada Al-Shabaab iyo dad shacab ah ayaa maalinkii Arbacada ee aynu soo dhaafnay ku wada dagaalamay deegaan hoostaga Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexec, waxaana dagaalkaasi uu ka dhashay kadib markii shacabkaasi ay ka biyo diideen lacago taakulo ah oo Al-Shabaab ay ka diideen.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Qurbejoog.com

SDN-Jowhar

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>