Aas qaran oo loo sameeyay Xildhibaankii lagu dilay Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Sept 23,2012(SDN)- Kaddib markii Kooxo hubaysan ay xalay ku dileen degmada Waaberi ee gobolka Banaadir Alle ha Unaxariistii Mustaf Xaaji Max’ed oo ka mid ahaa barlamanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa Aas qaran loogu  sameeyay Magaalada Muqdisho.

Aaska Xildhibaanka oo ka dhacay Qabuuraha Sheekh Cali Suufi ayaa waxa kasoo qeyb galay Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Madaxdii hore ee ka tirsanaa Dowladdii Kumeel-gaarka aheyd kuwaasi oo Alle ugu baryay in uu Jannada ka waraabiyo Marxuumka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii dowladda KMG ah Soomaaliya oo goob jog ka ahaa Aaska ayaa tacsi kaddib oo uu la hadlay Warbaahinta  Warbaahinta waxa uu sheegay in Kooxihii ka dambeeyay dilkaasi loo baahan yahay in lasoo hor istaajiyo Maxkamad si tallaabo looga qaado sida uu hadalka u dhigay.

Xalay ayay aheyd markii Kooxo ku hubaysan Bastoolado ay degmada Waaberi ku dileen Xildhibaan Mustaf Xaaji Max’ed oo ka mid ahaa barlamanka cusub xilli uu kasoo baxay Masjid, kuna sii jeeday Gurrigiisa.

SDN-Muqdisho

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>