Madaxweyne Xasan oo Camaabreeyay dilkii Xildhibaanka

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Sept 23,2012(SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay dilkii xaq darada ahaa ee xalay loo geystay mid ka mid ah Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed AUN Mudane Xaaji Mustafa Maxamed Cabdullahi oo ka mid ahaa xubnaha Barlamaanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoskii, qaraabadii,  asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay mas’uulka qaran.

Madaxweynaha ayaa hay’adaha amniga ku war galiyay in ay  dardar-galiyaan sugida amniga, asagoo sidoo kalana hoosta ka xariiqay muhiimada amingu ku leeyahay qorshe siyaasadeedkiisa si looga hortago dilalka guracan ee markasta loo geesto shacabka iyo masuuliyiinta qaranka.

Ugu dambayn, waxuu Madaxweynahu ALLE uga baryayaa Xildhibaan Mustafa Maxamed Cabdullahi in uu janadi rabi ka waraabiyo, samir iyo iimaana ka siiyo eheladii uu ka tagay.

SDN-Muqdisho

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>