Cape Town Sept 25,2012(SDN)- Qaar ka mid ah ganacsatada dalka Koofur Africa ayaa soo sheegaya in kooxo hubeysan oo South African ah ay labo ruux oo Soomaali ahku dileen magaalada Cape Town ee dalkaasi.
Dilka ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Philipy ee dhacada caasimadii hore ee dalka Koofur Africa Cape Town, waxaana la dilay labo ruux oo Soomaali ahaa.
Xaafadda lagu dilay labadaan ruux ayaa waxaa u badan dad madow ah iyo ganacsato Soomaali ah.
Labada ruux ee la dilay ayaa lagu kala magacabaa Bashiir Axmed Farey iyo Ismaaciil Cali Dalabey kuwaasi oo goobo ganacsi ku leh magaalada Cape Town.
Kooxdii dilalkaani geystay ayaa goobta ka baxsaday, mana jiro wax talaabo ah oo la qaaday markii uu ficilkaasi ka dhacay.
Ma ahan markii ugu horeysay ee tacadi noocaan oo kale ah lagula kaco dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga adag ku leh dalka Koofur Africa.
SDN-Cape Town
Contact@somalidiasporanews.com