Muqdisho 26,2012(SDN)- Hay’adda Nabad Sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigtay rag lagu soo qabqabtay waxyaabo lid ku ah ammaanka.
Ciidamada Hay’ada Nabad Sugidda ayaa maanta hawlgalo ay sameeyeen Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwa waxa ay ku soo qabqateen rag ka tirsan Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida ee gobbolka Banaadir Khaliif Axmed Erig oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in 3 ruux ay ku soo qabqabteen hawlgalada ay ka sameeyeen xaafada Suuqa Xoolaha kadib hawlgallo halkaasi laga fuliyey.
Taliyaha ayaa tilmaamay in ragaani ay siteen bambaanooyinka gacanta laga tuuro waxaana uu sheegay inay u gudbinayaan Maxakamada si sharciga loo marsiiyo.
Dhanka kale Hey’ada Nabad Sugida ayaa maanta saxaafada u qaaday Xaafado ka tirsan Deyniile halkaasi oo ay ka socdaan Hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com