Howlgallo dad lagu qab qabtay oo laga sameeyay Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho 26,2012(SDN)-   Ciidamada ammaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay maanta oo Arbaco ah waxa ay hawlgallo ammaanka Muqdisho lagu xaqiijinayo ka fuliyeen degmada Deyniile ee gobbolka Banaadir.

Ciidamada ayaa waxa ay hawlgallo dad ay ku soo qabqateen ka fuliyeen xaafadaha kala duwan ee degmadaasi, waxaana inta la xaqiijiyey ay soo qabqabteen 11 ruux kuwaasi oo lala xariirinayo Al-Shabaab oo iyagu falal ammaan daro maalmahan ka fulinayey Mqudisho.

Daahir Xasan Xuseen oo ah guddoomiyaha degmada Deyniile ee dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixiyey hawlgaladaasi.

Guddoomiye Daahir ayaa tilmaamay in degmada maalmahii la soo dhaafay ay ka dhacayeen falal lid ku ah ammaanka, waxa uuna xusay in ciidamo dheeraad ah oo kuwa ammaanka suga la keenay degmadaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal lid ku ah ammaanka wallow ciidamada ammaanka ay saacadihii la soo dhaafay ay hawlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo ka fulinayeen degmooyinka Banaadir.

SDN-Muqdisho

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>