Al Shabaab: Waa riyo iyo qarow in lala wareego Kismaayo

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Kismaayo Sept 28,2012(SDN)- Ururka Al Shabaab ayaa beeniyay in Ciidamada Kenya ee AMISOM ay la wareegeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose oo maanta hareeyay dagaalo iyo duqeymo xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda, Kenya iyo Al Shabaab.

Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Dagaalyahannada Al Shabaab ay ku sugan yihiin Kismaayo islamarkaana jawiga uu yahay mid iska caadi ah, islamarkaana qabsashada Magaalada Kismaayo ay tahay mid dhiig badan uu ku baxo sida uu hadalka u dhigay.

” Wa riyo iyo qarow in Ciidamada Kenya ay la wareegaan Kismaayo, waxay soo qaadeen weerar fuleynimo ah, walina wax muuqda ma aysan sameyn, shacabka hanagala qeyb qaataan dagaalada ka dhanka ah cadowga soo duulay” sidaasi waxa yiri Abuu Muscab.

Afhayeenka Ciidamada Militariga ee Kenya Aguna oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadooda ay gudaha u galeen Kismaayo, islamarkaana ay kusii siqayaan goobaha ay Al Shabaab kaga sugan yihiin Kismaayo sida uu hadalka u dhigay,.

Xaaladda Kismaayo wali way kacsan tahay, lamana saadaalin karo halka ay ku dambeyn doonto

Wixii kusoo kordha kala soco Qurbejoog.com Haddii Alle Idmo.

SDN-Kismaayo

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>