Muqdisho Sept 28,2012(SDN)- Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna Waljamaca Sheekh Cabdullahi Sheekh C/raxmaan Abu Yuusuf (Al_Qaadi) ayaa si weyn u dhaliilay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa sheegay in falalka ka dhan ah ammaanka ee Muqdisho ka dhacayey ay masuuliyadeedu ay leeyihiin laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya, waayo buu yiri waa ay ka gaabiyeen sugida ammaanka.
Al-Qaadi ayaa tilmaamay in ammaanka Muqdisho uu waayadii dambe soo hagaagayey islamarkaana dadka dibad jooga ah ay ku soo laabanayeen balse haatan ay muuqanayaan falal lid ku ah ammaanka.
Sheekh Cabduulahi Sheekh C/raxmaan Abu Yuusuf Al-Qaadi ayaa intaasi ku daray in markii isbadalka dowladeed uu dhacay kadib ay dhaceen falal ammaan daro oo lagu xumeynayo Madaxweynaha cusub.
Al-Qaadi waxa uu hoosta ka xariiqay in qaraxyadii ka dhacay Muqdisho la qorsheeyey inta doorashada aysan dhicin ka hor balse ay u suurto geli weyday waxaana ay ku soo beegmeen xili la doortay Madaxweynaha cusub oo haatan wada wadatashiyo la qaadanayo Odayaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku aadan magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Maalmihi dambe ayaa laamaha ammaanka dowladda Somalia waxa ay ka wadeen magaalada hawlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka waxaana ayna ku soo qabqabteen boqolaal dad ah oo lala xiriirinayo Al-Shabaab.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com