Nairobi Sept 28,2012(SDN)- HRW ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqday inaysan caruurta yar yare e lagu soo qabta dagaalka aan six un loola dhaqmin islamarkaana la wanaajiyo habka loola tacaamulaayo inta ay ku jiraan xabsiga.
Kadib qaraxyadii ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan midkii lagu weeraray Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud bishaan gudaheeda waxay bilaaween Ciidamada Dowladda inay sameeyaan howlgalo lagu sugaayo amaanka kuwaa oo lagu soo qab qabtay dhalinyaro badan oo lala xiriirinyaayo Xarakada Al-Shabaab.
Maalintii Arbacada Ciidamada Dowladda waxay ka soo qabteen sadex caruur ah oo dadooda lagu sheegay teenage Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, Hay’ada ayaa ka codsatay in si wanaagsan loola macaamilo caruurtaasi.
Laetitia Bader oo ah sarkaal ka tirsan Human Rights Watch ayaa sheegay in dowladda cusub ay ugu baaqeyso in caruurta ay u sameyso dhaqan celin islamarkaana ay dhowrto xaquuqda caruurta yar yar ee lagu soo qabto goobaha dagaalka iyo sidoo kale howlgalada laga sameeyo magaalooyinka ay haystaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa midowga Africa.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com